Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku sii Jeeda Itoobiya iyo Somaliland oo dalbaneysa Xubinimo IGAD iyo Midawga Africa
Adis Ababa May 04,2013(SDN/Reporter)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo mudo ku sugnaa dalka Itoobiya ayaamaanta lagu wada ain uu soo gaaro magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in uu la kulmo raaiisul wasaaraha dalka Itoobiya Xeylo Mariam oo lagu wado in ay ka wada hadlaan xiriirka labada dal.
Labada Masuul ayaa ka wada hadli doona iskaashi ay ka yeeshaan dhaqaalaha,Siyaasada iyo amniga,sida uu wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland uu u sheegay jariirada The Reporter.
“Waanu ku qanacsan nahay sida ay dawlada Itoobiya qadiyadeena u iibgeyso,Itoobiya waxa ay ka shaqeyneysaa Dhaqaalaha,amniga iyo Diblomaasiyada taas oo gacan naga siineysa sidii aanu hadafkeena aqoonsi u gaari laheyn”ayuu yiri Maxamed Cabdilahi Cumar wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi ayaa jariirada u sheegay in madaxweynaha Somaliland uu Raiisul waraaha Itoobiya kala hadli doono sidii Somaliland ay xubin goobjooga uga noqon laheyd ururada IGAD iyo Midawga Africa oo labaduba xarumahoodu ku yaaliin Adis Ababa.
Dalabka iyo Safarka Madaxweynaha Soomaaliland ayaa ku soo beegmaya xili ay urur goboleedka IGAD kulankoodii aan caadiga aheyn ee 21aad Adis Ababa ku soo gunaanadeen.
War saxaafada loogu talo galay oo kulanka dabadii la soo saarayna waxa IGAD ugu baaqday dhinacyada Soomaalida in ay la shaqeeyaan dawlada Soomaaliya.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com