Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka Hadlay Safar uu u bixiyay Hillaacii Xeebaha Somaliland,Fariina u diray Shacabka
Hargaysa 20.March 2014 (SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) isaga oo ku hadlaaya afkiisa Afka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo Afka Weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey kuna wehelinaayey Safarkii dheeraa ee Mudada 10-ka Cisho qaatay ee la magac baxay Hillaacii Xeebaha Somaliland,
Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo u dirayaa Dhamaan Bulshada reer Somaliland, meel ay joogaanba haddii ay noqon lahayd kuwa ku dhaqan Gobolada iyo Xeebaha uu madaxweynuhu soo maray iyo hadii ay noqon lahayd kuwa kala socday Warbaahinta ee ku dhaqan qaaradaha Aduunka iyo Dalkaba.
Dhanbaalkan Madaxweynuhu u diraayo shacbiga ayaa ah mid la xidhiidha sidii diiranayd ee Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba loogu soo dhawaynaayey iyaga oo muujinaaya dareenkooda Muwaadin-nimo, Sida ay Madaxweynaha ugu bogaadiyeen go’aanka geesinimada leh ee uu ugu badheedhay safarka dheer ee uu ugu kuurgelaayey sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa waxay ku sugan yihiin shacbiga uu hogaaminaayo meel ay joogaanba.
Madaxweynaha oo ku soo guryo noqday maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu 10-03-2014 uga baxay Galbeedka Somaliland kana uu ka soo galay Bariga Somaliland markii uu ka soo wareegay Xeebaha Somaliland.
Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo waxa uu si gaara ugu mahadnaqayaa shacbiga sida wayn u soo dhaweeyey ee u taagnaa wadooyinka sidii ay Weftigiisa ugu Muujin lahaayeen Taageerada ay u hayaan.
Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland Illaahay uga baryayaa inuu ku simo bash-bash, barwaaqo, iyo Rayn-rayn inay ku gaadhaan kuna noolaadaan ilaashadaana nabadgelyada iyo xasilooninada Somaliland maanta ku naaloonayso una saamaxday in weftiga Madaxweynuhu si nabada ugu soo wareego meelo dalka intiisa badan ka mida.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com