|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Dhaqan Geliyay Xeerka (Statistics Law)

Hargaysa 16.June (SDN) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1794/062013 Xeerkaasi oo ah (Statistics Law).

Warsaxaafadeed ka soo Baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada ayaa u dhignaa Sidan:-

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:             Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:             Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, go’aan Lr. GW/G/KF-21/593/2013

ee ku taariikhaysan 28/05/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka

Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013.

 

Wuxuu Soo Saaray

Dhaqan-galka Xeerka Istaatistikada (Statistics Law) Xeer Lr. 60/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed