|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo dhanbaal Tacsi ah u diray Shacabka Jabuuti

Hargaysa 11,Jan.(SDN)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kiniya oo xaaladiisa caafimaad darteed loo geeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo  eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargaysa SDN

Comments are closed