|

Madaxweynaha Ximan iyo Xeeb oo u digay burcad badeedda

Ximin 24.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa uga digay kooxaha burcad badeedda inay sii joogaan deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa.

Beerleex-300x159Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) ayaa sheegay in burcad badeedda ay dhibaatooyin ay ka mid yihiin sicir-barar iyo falal ammaan darro ah ay ka wadaan deegaanka.

Madaxweyne Baarleex wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada Ximan iyo Xeeb inay ku taageeraan maamulka dadaalka uu ku rabo inuu kooxaha burcad badeedda kaga sifeeyo deegaanka.

Walow ay yaraadeen, kooxaha burcad badeedda ayaa goobaha ay ka howlgalaan waxaa ka mid ah deegaanno hoos-taga maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ximin SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed