|

Madaxweynaha Ugaanda Oo Shacabkiisa Uga Digay inay Is gacan-qaadaan Baqdin Cudur Darteed

Kampala:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Ninka Madaxda ka ah dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa shacabka dalkiisa uga digay inay salaamaha isgacan-qaadka ah adeegsadaan, si ay uga Badbaadaan Cudurka Ebola oo ka dilaacay Dalal badan oo afrikada Galbeed ah.

baqeCudurkan oo la sheegay in lagu kala qaado salaanta iyo dheeceenka ayaa waxaa la yidhaahda Marburg kaasoo hadda ku dhacay saddex ka mid ah shacabka Uganda, waxana ka digay salaanta gacanta Yoweri Museveni oo sheegay inay caqabad caafimaad xumo keentay maadama cudurkan Marburg uu yahay mid halis ah oo galaafan kara nolasha kumanaan qof, hadalkan ayuu ka sheegay masuulkan kulanka ducada qaranka Uganda.

Saddexda qof ee looga shaki qabo cudurkan ayaa lagu wadaa baadhitaano iyadoona dhaqaatiirka caafimaadka ay sheegeen inuu kusoo shaac baxayo cudurkan wax ka yar 20 maalmood.

Sanadkii 2012 ayuu cudurkan ka dilaacay wadanka Uganda wuxuna dilay sida la sheegay 10 qof hase yeeshaa dalka Uganda ayaa laga dareemaya cudurkan oo madaxdooda ay ka digtay.

Dalalka Bariga Africa ayaa hore isagu diyaariyay sidii looga hortagi lahaa haddii uu soo weeraro cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo si deg deg qofka uu ku dhoco ku dilaya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed