Madaxweynaha Suuriya oo e-mailkiisa la jabsaday,iyo xogtii ku jirtay oo la shaaciyay
Dimishiq Mar 16,2012(SDN)-Madxweynaha dalka Suuriya ayaa dhawaan e-mailkiisa la jabsaday,waxaana loogu tegay xog ka fajicisay caalmka oo in dhawaalaba il gaadha ku eegayay qalalaasha dalkaa ka socday mudo sanad ah.
E-mailka Madxweyne Bashar Al Asad waxa weheliyay oo isna la jabsaday ka xaaskiisa Asma oo ka soo jeeda degaanka sida weyn ay u hareeyeen colaadaha ee Homs.
Madaxweynaha ayaa sida ku muuqata fariimaha la shaaciyay waxa uu talooyin ka helaa dalka Iiraan.
Sidoo kale waxa uu xaaskiisa u diray fariimo heeso u badnaa oo ah qaar debacsan iyo weliba aflaan majaajilo u badan.
Xaaska madaxweynaha ayaa qudheeda dalbatay walxaha la isku qurxiyo oo lacag faro badan uga baxay.
Caalamka ayaa amakaag ka qaaday fariimahan xili shacabka dalkaasi ay colaada uga dhimatay in ka badan kun ruux.
SDN-Dimishiq