|

Madaxweynaha Soomaliya oo Tacsi U Diray Ehelada Dr Nuurto Xaaji Xasan Oo Toronto ku geeriyooday

Muqdisho, 28 May 2013 (SDN)— Waxaa xalay oo ay taariikhdu aheyd 27 May 2013 ku geeriyootay magaalada Toronto ee dalka Canada Allaha u naxariistee Drs Nuurto Xaaji Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed wuxuuna Alle uga baryayaa inuu Janadii ka waraabiyo, shacabka Soomaaliyeed samir iyo iiman EEBBE ka siiyo.

Drs Nuurto Xaaji Xasan ayaa ahaan jirtey Garyaqaanka Guud ee Qaranka, aheydna Lawyarad sumcad iyo sharaf weyn ku dhex leheyd bulshada Soomaaliyeed. Drs Nuurto ayaa horey uga mid aheyd guddigii dastuurkii hore ee Soomaaliya xilligii dowladda Siyaad Barre.

–    DHAMAAD —

Communication Office

Office of the Somali President

Mogadishu, Somalia

Comments are closed