Madaxweynaha Soomalaiya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika
Muqdisho (QJ) – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku yimid Dalkeenna.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, iyo waxbarashada si kor loogu qaado danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarka uu dalkeenna ku tallaabsaday iyo fursadaha maalgashi ee ka jira, kuwaas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha. Waxa uu xusay in Soomaaliya ay xiligan diyaar u tahay in ay la falgasho caqabadaha iyo fursadaha gobolka iyo caalamka.
Sidoo kale, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu bogaadiyay guulaha ay dowladda Federaalka ka gaartay dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, kaasoo ku dhisan deris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha gobolka.