Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Muuxuu kala hadlay Soomaalida Minnesota, Maraykanka (Warbixin)
Minneapolis Jan 19 2013 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad socotay ku dhawaad muddo 50-daqiiqo ah waxa uu u jeediyay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu qiyaasayo 5-kun oo ruux, kuwaasi oo isugu yimid hool weyn oo kuyaalla MagaaladaMinneapolisee dalka Maraykanka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudubada uu u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Minneapolis waxa uu uga hadlay Arrimo badan oo ay ugu muhiim sanaayeen, Safarka uu Maraykanka ku joogo, Maamul u sameynta gobolada dalka, Xiriirka kala dhaxeya dowladiisa wadamada dariska ah iyo Arrimo kale.
Ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay socdaalka uu ku joogo Maraykanka waxaana uu jaaliyada u sheegay in safarkiisa halkaas uu guuleysatay madaama arrimihii ugu muhiim sanaa ee uu u soo baxay uu gacanta ku dhigay.
“Safarkii aan ku imid Mareykanka wuxuu kusoo dhammaaday guul, waxaana dowladda ugu weyn Adduunka ay albaabbada u furtay Soomaaliya, wayna aqoonsatay,” Ayuu u sheegay Xasan Sheekh jaaliyadaMinneapolis.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada gashandhigga Maraykanka iyo Arrimaha dibadda Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay isku afgarteen arrimo badan oo muhiim ah.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeybaha hore ee qudbada uu u jeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed eeMinneapoliswaxa uu ku dheeraada waxqabadka dowladiisa 4-bilood ay jirtay isagoo sheegay in 60-Isbaaro ay ka qadeen si nabad ah Magaalada Muqdisho.
Maamul u sameynta Gobolada dalka
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay warar uu sheegay in suuqa lala dhaxmarayo oo ah in uu amray in gobolada Hiiraan iyo Bay ay iyagu maamul sameystaan Jubooyinkana ay dowladdu u sameyso.
Waxa uu ku tilmaamay Madaxweynuhu arrinkaasi mid dacaayad ah oo ay buun buuninayaan kuwa ka soo horjeeda samaha dowladiisa.
Madaxweyna ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisu ay dooneyso hirgalinta Nidaamka Faderlaka isagoo arintaasi xoojinayana waxa uu yiri “Faderalku waa midkii aniga la igu soo doortay”.
Xasan Sheekh ayaa cadeeyay in hadii dalka aan lagu dhiqin Nidaamka Faderalka aanu isagu madaxweyne dowladda ka aheyn madaama wixii lagu soo doortaba aysan dhaqan galin.
Xiriirka Wadamada Dariska la ah Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladiisu ay ku dadaashay hagaajinta Xiriirka kala dhaxeeya wadamada dariska la ah si ay iskaashi uga hesho.
Waxa uu sheegay in xiriirka kala dhaxeeya hadaEthiopiaoo muddo dheer Soomaaliya la soo dagaalmeysay,Kenyaiyo Jabuuti uu yahay mid wanaagsan oo heerkii ugu fiicanaa maraya.
“Markaan ka hadalnoEthiopia600-sano ku dhawaad ayaan dagaal ku jirnay, wixii hadda ka dambeeya waxaan billaabaynaa nabad lagu wada-noolaado. Iyadoo labadan dalna ay si wadajir ah uga faa’iideysan doonaan khayraadka labada dal, waayo Webiyada Soomaaliya mara waxay ka yimaadeen buuraha Ethiopia, sidoo kalena Ethiopia bad ma lahan, waxaana naga go’an in mid walba oo naga mid ah uu ka faa’iideysto khaydka dalka kale,” Xasan Sheekh ayaa sidaa u sheegay Jaaliyada Soomaaliyeed.
Ugu danbeyn waxa uu amaanay dadka ku nool gobolka Soomaalida ugu badan ay ku dhaqantahay eeMinnesota, waxaana uu ugu baaqay in dowladda la taageero
By: Hassan Wali Sheekh Abuubakar