Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo faah faahin ka bixiyay kulan uu la qaatay Dived Cameron
London Feb 05 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay kulan ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameroon kaasi oo ka dhacay dalkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaraha ay isku soo hadal qaadeen arimo dhowr ah oo ku aadan dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay inay kawada hadleen sidii Soomaaliya Dowladda UK ay uga caawin laheyd dhinacyada ammaanka siyaasada iyo sidoo kale dib udhiska dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale ay kawada hadleen ammaanka dalka Soomaaliya iyo sidoo kale sidii garsoorka dalka Soomaaliya loo tayeyn lahaa.
Madaxweynaha ayaa intaasi hadalkiisa wuxuu ku daray in sidoo kale David Cameroon ay kawada hadleen shirka ka dhacaya London Bisha Maay iyo amuuraha looga hadlaayo intaba.
Maalmahan dambe wuxuu booqasho ku joogay dalka Ingiriiska Madaxweynaha Soomaaliya isaga oo kulamo kala duwan oo gooni gooni ah la yeelanaaye madax ka tirsan Dowladda UK.
SDN-London