Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Garoowe
Garoowe April 29 2013 (SDN)– Iyadoo xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku hooyday Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa xalay waxaa loo sameeyay xaflad ballaaran oo casho sharaf ah taasi oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada cusub ee Puntland.
Madaxweyne Maamulka Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer uu kaga hadlay arimaha Puntland ,Dowladda Federaalka Soomaaliya ,Amaanka ,hirgelinta nidaamka Federaalka ,wax soo saarka khayraadka dabiiciga iyo Xisbiyada Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa khudbad uu ka jeediyay xaflada wuxuu ku sheegay in ujeedka ugu weyn ay Garoowe utageen ay tahay la tashi maamulka Puntland lagala sameynayo shirka lagu qabanayo London.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay sida maamulada Gobalada dalka Soomaaliya loogala tashan lahaa arimaha ku aadan shirka 7-da Bisha May laguwado inuu ka dhaco London ee ay shir guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha UK.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hada ku sugan Garoowe.