|

Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay dalka Dib ugu Soo Laabtay

Muqdisho April 01 2013 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib safaro uu ku soo kala bixiyay wadamada Qadar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka soo qeybgalay shirkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Magaalada Dooxa ee dalka Qadar isagoo halkaasi kula kulamay madaxda dalkaasi iyo hogaamiyaal carbeed oo ka qeybgalay shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kaddib u kicitimaya dalka Isutaga Imaaraadka Carabta halkaasi oo uu kulan ku layeeshan Boqorka wadankaasi waxaana ay kawada hadleen xiriirka Labada dhinaca ee Dubai iyo Muqdisho iyadoo dowladda Isutaga ay ogolaatay in ay taageerto Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa furi doona Maanta shrike dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya oo Muqdisho ka furmi doona.

SDN-Muqdisho

Comments are closed