|

Madaxweynaha Soomaaliya oo QM u guddbiyay Qoraal ka dhan ah Somaliland iyo Puntland

Muqdisho (Hubaal-W/wararka)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa beesha Caalamka ka codsaday in ay Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland cadaadis ku saaraan inay hoos yimaadaan Dawladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay oo aanay ogolayn cid gooni u goosata.

Madaxweynaha  ayaa carrabka ku adkeeyay inay Somaliland iyo maamulka Puntland u hayaan ixtiraam badan, balse ay u arkaan inay yihiin maamulo ka mid  ah dawlada Somalia, isagoo yidhi, “maaha in gobol walba uu sheegto goosasho been ah iyo wax aanu ahayn oo samaysto lacag iyo baasaboor foojari ah” wuxuuna sheegay inay taasi sii abuurayso inay xiisada Somalia ee hogaamiyayaasha deegaanada kasii darto.

sidaa awgeed waxa uu ku dooday in aanay Somaliland iyo Puntland joojinayn wuxuu ugu yeedhay been-beenta ay iska dhigayaan wax aanay ahayn ee ay kula xidhiidhayaan heshiisyada been-beenta ah, isla markaana   xukuumaddiisu kala xidhiidhay   qaramada midoobay, Ururka Midawga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo midawga Yurub, maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada dagaalka iyo dhamaan Ururada siyaasada ee ka wer-wersan xaalada inay noo saamaxaan inaanu xidhno dhamaan  xuduudaha siyaasada Somalia ee denbiilayaasha iyo dagaal oogayaasha si aynu daacad uga noqono denbiyada ka dhanka ah bini’aadanimada intii lagu jiray dagaalada sokooye ee Somalia. ayuu yidhi Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo todbaadkan la hadlayay wakiilo iyo dublamaasiyiin ka socda beesha caalamka oo uu ku qaabilay xafiiskiisa. “waxaanu si cad ugu baaqaynaa hogaamiyayaasha Somaliland iyo  Puntland maamuladaasi inay aqbalaan oo u hogaansamaan dastuurka federaalka ee Somalia, sababtoo ah Somalia waxay leedahay 275 xubood oo ah baarlamaan la  dooratay oo dhamaan deegaamada ka wakiil ah. sidaa awgeed waxay taasi soo af-jartay been-beentii goosashada iyo lacagihii iyo baasabooradii foojariga ahaa ” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayay wefdiga ka socday beesha caalamka.  Dhawaaqa hanjabaada iyo xaqiraada ah ee kasoo baxay madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya weedho dublamaasiyadeed iyo hadalo afmacaani ah  oo uu hore ugaga  hadlay qorshihiisa siyaasadeed ee ku waajahan Somaliland oo uu sheegay inuu sii wadayo wada hadaladii beesha caalamku hormoodka u ahayd ee u socday Somaliland dawladii hore ee Somalia oo uu sheegay inuu halkii kasii wadayo, balse dhawaaqan danbe oo ahaa mid aan saxaafada loogu talo gelin ayaa si dhab ah u kashifaya qorshihiisa siyaasadeed ee u qarsoon, isagoo weedhahani ahaayeen fariin si dhab ah uu ugu dhiibayay   beesha caalamka, taas oo xaqiraad iyo meel ka dhac ah ku ah qadiyada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland, isla markaana si cad u muujinay khatar kusoo fool leh Somaliland, balse aanay dareensanayn xukuumadda Somaliland marka laga reebo kooxda hanbalyada ku boobtay markii la doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo aan weli cadayn mawqifkiisa siyaaasadeed ee ku aadan Somaliland, balse la rumaysanyahay inay ka hanbalyadoodu ahayd xidhiidho iyo dano gaara oo ka dhexeeya oo aan ka turjumayn qadiyada Somaliland.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed