|

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Khabiir Ka socda Qaramada Midoobay

Muqdisho March 21 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga Qaramada Midoobay uqaabisaln xuquuqda aadanaha oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho.

Kulan labada dhinac ay wada qaateen kadib ayeey siwadajir ah ula hadleen saxaafada iyaga oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay kawada hadleen.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay utaagan tahay ahmiyad siinta arimaha ku qotoma xuquuqda aadanaha dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in waxyaabaha Dowladda Soomaaliya ay ahmiyada siinayso ay kamid tahay ku dadaalida xuquuqda aadanaha.Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya Gobalada dalka ay ka fulinayso mashruucyo gaaraya ilaa shan mashruuc oo kala ah Iskuul waxbarasho ,Xarun caafimaad,Ceelbiyood iyo Xarun Booliis Station iyo maamulka Degmada,isaga oo tilmaamay in dhamaan arimahaasi ay qeyb ka yihiin arimaha xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inay iminka dadaal ugu jiraan sidii Soomaaliya ay xubin buuxda uga mid noqon laheyd Guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa dalalka inta badan lagu eedeeyo inay ka dhacaan falalka tacadiga ee dhanka xuquuqul aadanaha inkastoo Soomaaliya iminka ay kasii gudbayso baalkii madoowaa ee muddo ay ku jirtay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed