Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Masar Maxamed Mursi
Riyaad Jan 22 2013 (SDN)– Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Riyad ee dalka Sacuudiga ayaa wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi oo ay kawada hadleen arimo dhowr ah.
Kulanka oo intiisa badan diirada lagu saaray iskaashi dhexmara labada dal ayaa Warbaahinta waxaa faah-faahin ka siiyay Xoghayaha labaad ee Safaarada Soomaalida ee Sacuudiga Cali Nuur Macalin.
Wuxuu sheegay in labada Madaxweyne ay kawada hadleen arimaha dhanka waxbarashada maadaama dalka Masar ay ku sugan yihiin arday badan oo Soomaaliyeed oo dalkaasi wax ka barta.
Xoghayaha labaad ee Safaarada Soomaalida ee Sacuudiga Cali Nuur Macalin ayaa sheegay in muhiimada kulanka uu ku qotomay dhanka waxbarashada iyo sidii Dowladda Masar ay ugarab istaagi laheyd ardayda Soomaaliyeed ee waxbarashada ka dhigta dalkaasi.
SDN-Riyaad