|

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan howlagalada AMISOM looga hadlayay La qaatay Wakiilka AU ee Soomaaliya

Muqdisho April 02 2013 (SDN)— Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Ergayga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Annadif kaasi oo ay kawada hadleen arrimo badan oo quseeya xaalada dalka uu hada ku suganyahay.

Kulanka Madaxweynaha iyo Ergayga Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya oo Albaada u xirnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday kaddib waxaa saxaafada la hadlay Maxamed Annadif.

Mr.Annadif ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Isaga ay kawada hadleen arrimaha Ciidamada AMISOM iyo howlgalada ay kawadaan Soomaaliya waxaana uu carabka ku dhuftay in madaxweynaha ay isla egeen howlgaladii u danbeeyay iyo ku soo socda ee Ciidamada AMISOM.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Madaxweynaha ay kawada hadleen sidii loo sii wadi lahaa dagaalka lagula jiro Al Shabaab ee looga saarayo meelo badan oo wali gacantooda ku harsan.

Maxamed Annadif ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Ciidamada Seri Lion ee la keeni rabo Soomaaliya waxaana uu xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku soo gaari doonaan Soomaaliya.

SDN-Muqdisho

Comments are closed