|

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulamo Maraykanka kula qaatay Madax sare oo Caalamka ka socotay

Newyork:26-Sep-2013(SDN)-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maraykanka oo uu haatan ku sugan yahay kula kulmay madax sare oo Adduunka ka socotay.

quuulkaMadaxweynaha  oo magaalada New York ee dalka Mareykanka kula kulmay madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul, Amiirka dalka Qadar Sheekh Tamim Bin Xammaad iyo xog-hayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Hillary Clinton ayaa kala hadlay taageerada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, xoojinta ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caalamka laga doonayo inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidanka xoogga Soomaaliya, si looga guuleysto argagixisada, isla markaana Geeska Afrika uu u noqdo meel nabdoon.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in aragagixisada Soomaaliya ay ku jiraan tiro badan oo ajaaniib ah, balse loo baahan yahay in laga guuleysto oo la sii wado dagaalka lagula jiro, taasna ay ku imaan karta xoojinta iyo dhisidda ciidanka xoogga dalka.

 

Wuxuu xusay in taageerada iyo aqoonsiga caalamka ay ka caawisay inuu wax badan u qabsoomo, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in la sii horumariyo dadaallada hadda socda.

SDN.

 

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed