Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo kula leh Xarunta Midowga Yurub Madaxda Ururkaasi
Brussels Jan 29 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu socdaal ku tagay Magaalada Brusels ee dalka Belguimka halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shir ay isugu imaanayaan wadamada Midowga Yurub.
Madaxweynaha oo xalay ka ambabaxay Magaalada Addis Abbaba ee dalka Ethiopia markii uu soo dhamaaday shirka Madaxda Midowga Afrika ayaa isaga iyo wafdigii lasocday ay u ambabaxeen dalkaasi Belguimka.
Shirka Belgumka uu kaga qeybgalayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu yahay mid ay isugu imaanayaan EU oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ka helay martiqaad.
Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya dalkaasi ayaa waxaa laguwadaa inuu kulamo gooni gooni ah la qaato madaxda halkaasi imaanaysa oo uu kala hadlo sidii Soomaaliya loo taageeri lahaa.
Xasan Sheekh ayaa maalmahan dambe ku mashquulsan soonooleentii xiriirka dhanka dibada ee dalka Soomaaliya oo tan iyo markii Dowladii dhexe ee dalka ay meesha ka baxday lumay.
SDN-Brussels