|

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka degay caasimadda dalka Rwanda, muxuuse daarran yahay socdaalkiisu?

Kigali Apirl 7, 2014 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa galabta ka degay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka dhoofay Nairobi oo uu xalay u hoyday, waxa socdaalkiisa ku weheliya masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Weftiga Madaxweynaha Somalia, waxa madaarka caasimadda Kigali ku qaabilay madax ka tirsan Rwanda oo uu ku jiro Wasiirka Khaarajiga dalkaas, iyo sidoo kale masuuliyiin uu ku jiro Danjiraha Soomaaliya u jooga Rwanda. Madaxweynuhu markii lagu soo dhaweeyay caasimada Rwanda wuxuu booqday dhismaha safaarada Soomaalida ee magaalada Kigali.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah hoggaamiyeyaal caalamka ka kala socda oo maalmihii u dambeeyay ku qulqulayay caasimadda Rwanda, waxay ujeedada socdaalkiisu la xidhiidhaa ka qaybgalka xuska sannad-guurada 20aad ee Xasuuqii sannadkii 1994-kii ka dhacay Rwanda.

Xasuuqaas oo nolosha dad badan galaaftay, wuxuu bilawday 6 April 1994, waxaana loo samaynayaa laba todobaad oo baroor-diiq ah, si loo xasuusto dadkii lagu laayay xasuuqaas oo ka mida kuwii ugu xumaa ee Caalamka ka dhacay.

Xuska loogu baroor-diiqayo xasuuqaas foosha xumaa, waxa horkacaya Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame.

Qurbejoog.com, Kigali

Comments are closed