Madaxweynaha Soomaaliya oo IGAD uga digay taageerada Kooxaha iyo Maamulada,xili Kenya ay taageertay Jubaland,Itoobiyana Somaliland
Adis Ababa May 26,2013(SDN)-Khudbad uu Madaxweynaha Soomaaliya ka Jeediyay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxa uu uga hadlay xiriirka ka dhexeeyay dalalka ururkaa ku bahoobay iyo dhinacyada Soomaalida u dhexeeya.
Madaxweynaha oo ayaa mar uu ka waramayay sida uu uga soo horjeedo sida loo maamulay shir dawlad goboleed loogu sameeyay gobolada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegay in la soo gaaray xiligii la soo afmeeri lahaa xiriirada ay caalamku la leeyihiin “kooxaha iyo maamulada” dalka ka jira.
“Waxyaabaha laga dhaxlay burburkii dawladeed ee Soomaaliya ka dib waxa ka mida in koox waliba ay sheegato in iyadu tahay ta ka masuulka ah Soomaalida”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Waxaana loo bahan yahay in la joojiyo xiriirada caalamku laleeyahay Kooxaha iyo Maamulada Soomaaliya,dawladana lala shaqeyo”ayuu yiri madaxweynuhu.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili ay Dawlada Kiinya taageertay maamulkii dhawaanta Kismaayo looga Dhawaaqay ee Jubaland.
Sidoo kale Raiisul wasaaraha dawlada Itoobiya ayaa khudbad uu ka hor jeediyay Baarlamaanka dalkaasi waxa uu ku sheegay in Itoobiya ay Somaliland leeyihiin cilaaqaad muhiim u ah dalka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in dawlada dhexe ee Soomaaliya ay haatan ku jierto xusul duub ay awoodaha dalka gebi ahaantood isu hoos keeneyso.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com