Madaxweynaha Soomaaliya oo furi doona Kalfadhiga Labaad ee Barlmanaka Jamhuuriyada Soomaaliya
Muqdisho Feb 27 2013 (SDN)– Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaaca ka qaaday xilliga uu furmayo kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya kalfahdigooda labaad uu furmi doono maalinta sabtida ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 02-03-2013.Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay inuu furi doono kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya maadaama uu dhamaan rabo waqtigii fasaxa Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dalka dibadiisa ku maqan wuxuu ujeediyay baaq ah in marka la gaaro waqtiga uu furmayo shirka Baarlamaanka Soomaaliya ay soo xaadiraan kalfadhiga Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa qaatay labo bilood oo fasax ah kaasi oo ay ugu kuurgalayeen deeganada ay kasoo jeedaan intii ay usuuragashay maadaama Gobalada qaar ay maamulaan Shabaab oo aysan tagi karin.
SDN-Muqdisho