Madaxweynaha Soomaaliya oo Eedeeyay Ciidamada Kiinya ee Kismaayo ku Sugan
Adis Ababa May 27,2013-(SDN)-Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulnkii dhawaa ee Madaxda Africa isugu timi waxa uu ka dhaleeceeyay Ciidamada Kiinya ee Soomaaliya ku sugan.
Madaxweynaha ayaa xili lagu gudo jiray kulamadii Madaxda Midwga Africa waxa uu sheegay In ciidamada Kiinya ay ka baxeen hawlahoodii AMISOM.
Eeda ayaa timi ka dib kolkii ciidamada Kiinya la sheegay in ay diideen in ay sugaan amniga wefdi dawlada Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aaney eedeeneyn dawlada Kiinya balse ay ciidamada AMISOM ay ka maageen in gutaan waajibaadkooda.
“Ciidamada Kiinya ee ka tirsan kuwa Midawga Africa ee AMISOM waxa ay u dhaqmeen si ka baxsan hawlgaladii loo igmaday”ayuu yiri madaxweynuhu.
“Urur goboleedka IGAD waxa uu isku raacay in dawlada Soomaaliya ay udaba fadhiistaan arimaha Soomaaliya”ayuu ku celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Magaalada Kismaayo ayaa dhawaan looga dhawaaqay maamul sameyntiisa aan loo daba fariisan Dawlada Muqdisho.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com