Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay arrimo badana ka warbixiyay
Muqdisho May 28 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa wuxuu ka hadlay arimaha Jubbooyinka oo hada ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran.
“Waxa wax ugu dambeeya ee aanan jeclayn inaan maqalno ayaa ah in colaada dib ugu soo noqoto Gobaladaasi oo qabiil qabiil iyo Degmo Degmo la isugu diriro taasina waxa ay fursad siinaysa Ururka Al-Shabaab inay xoogeestaan”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhamaan shacabka Gobalada Jubbooyinka daga wuxuu ugu baaqay inay dhamaatay xilligii isqab-qabsiga iyo is aamindarada,isaga oo sheegay in Soomaaliya hada ay leedahay Dowladda awood leh oo aan KMG aheyn.
Shirka Madaxda Urur Gobaleedka IGAD ee uu Madaxweynaha Soomaaliya kasoo qeybgalay ayaa waxaa la isugu afgartay in beelaha daga Gobalada Jubbooyinka loo qabto shirweyne dib uheshiisiin ah oo lagu xalinayo arimaha Jubbooyinka ka taagan.