Madaxweynaha Soomaaliya oo casho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha barlamanka Jabuuti
Muqdisho Dec 14 2012 (SDN)—Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay dhismaha Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya Guddoomiyaha dalka Jabuuti iyo wafid uu hogaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.
Casha sharafta uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya u sameeyay Guddoomiyaha Barlamanka Jabuuti Idir Cali ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha barlamanaka Soomaaliyeed,Ra’iisul wasaare Saacid iyo mudanayaal ka socda labada goble ee dowladda Soomaaliya sida barlamanka iyo golaha Wasiirada ee labadiyay.
Gudoomiyaha Barlamanka Jamhuuriyada Jabuuti Idiris Aar Na’ud Cali oo ka hadalay Casha sharafta ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay intii uu ku suganaa, waxaana muujiyay sida uu ula dhacsanyahay in laga baxo Nidaamka Kumeelgaar oo muddo lagu soo jiray.
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo isna hadlay ayaa u mahad celiyay Idiris waxaana uu sheegay in hormar ay ku talaabsan doonaan sidoo kale Guddoomiyaha Barlmanaka Jawari ayaa halkaasi ka sheegay in heshiis is afgarad ah ay isla gaareen dhigiisa Jabuuti.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in labada dal ay yihiin walaallo waxana uu tilmaamay in Madaxda Jabuuti ay ku dadaalayeen waligood in ay ka qeyb qaataan Nabada Soomaaliya.
SDN-Muqdisho