|

Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto ka soo Saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera

Hargaysa 16.June (SDN)  Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-1792/062013          ka soo saaray Dhulka Danta Guud ee Magaalada Berbera.

Isaga oo ku socodsiiyey Madaxweynuhu Masuuliyiinta ay ka Mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ,Duqa Magaalada Berbera,Maareeyaha Dekeda Berbera iyo Taliyeyaasha Ciidamada .
                

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:              Qodobka 12aad iyo 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 1aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Xeer Lambar 17/2001;

 

Markuu Arkay:              Qoraalka summadiisu tahay ee ku taariikhaysan WDSL/MD-M//fX/15-210/0113 ee ku taariikhaysan Jan. 26, 2013, ee ka soo baxay Xafiiska Maareeyaha Dekedda Berbera;

 

Markuu Arkay:              Qoraalka summadiisu tahay XIG/JSL/128/2010 ee ku taariikhaysan 29/4/2010, ee ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud;

 

Markuu Arkay:              Amarka xayiraadda ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taarikhaysan 02/05/2010;

 

Markuu Arkay:              Amarka fulinta ee Maxkamadda Gobolka Saaxil ee summadiisu tahay MGS/BR/37/2010 ee ku taariikhaysan 05/05/2010;

Madaxweynuhu Waxa uu Wareegtadiisan ku Yidhi  Mudanayaal,

“Dhulku waxa uu ka mid yahay hantida guud ee Dalka, sida ku xusan Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Xukuumadda ayaa awood u leh inay yeelato, gacanta ku hayso, kirayso, iibiso, ku-bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.

Haddaba, Xukuumaddu waxay ku hawlan-tahay qorshaynta iyo horumarinta dalka, si loo helo dhul baaxad leh oo mustaqbalka dhaw looga faa’iidaysan karo sida ugu habboon ee dalka manaafacaad iyo waxtar u leh; laga bilaabo taariikhda maanta Xukuumaddu waxay u aqoonsatay (Free Zone) Dhulka Raasiga Berbera, wadada Dekeda ka baxda ee hor-marta Shida-yare Hotel ee u baxda Hargeysa ilaa 15 Kilometer oo ah dhinaca Koonfureed, Galbeedna ka bilaabanta Dekedda raaca xeebta ilaa 20 Kilometer.

Sidaas darteed, dhulkan oo xukuumadihii horena ka soo saareen wareegtooyin lagu mamnuucayo, balse aan marnaba la-tixgelin, waxa aan farayaa mas’uuliyiinta ay wareegtadan iyo wareegtooyinkii horeba khusayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo ka hor-timaadda, isku-dayda inay iibiso, iibsato, bixiso, sifo kale ula wareegto ama ku wareejiso dhulkaas.

Sidoo kale, Taliyayaasha Ciidammada waxaan farayaa inay gacan buuxda ka siiyaan Maamulka Gobolka Saaxil wixii arrintan khuseeya.

Wareegtadan ayaa Noqonaysa Tii labaad ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo Isagoo tan tii ka horaysay kaga Hor istaagay Maamulkii hore ee Caasimada Hargaysa in la Iibiyo ama sifo kale loo adeegsado Dhulka Xarunta Xisbiga ee u dhow Idaacada Radio Hargaysa .

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed