|

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray qoysas masuuliyiin ay ka baxeen

Hargeysa Jan 04,2012(qurbejoog.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta dhanbaal Tacsiya u diray ehelada laba Masuul oo dhawaan geeriyooday.

Dhanbaalkan tacsida ah oo qoreaal ah ayaa sidan u dhignaa :-Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u Dirayaa Wasiirka Wax-barashada Tacliinta Sare Marwo, Samsam Cabdi Aadan waxaanu ka tacsiyadaynayaa Geerida ku timid Sayigeedii MARXUUM MAXAMED HUSEEN CAABI, oo ku geeriyooday Wadanka Ingiriiska, waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshdaha iyo Dalxiiska ee JSL. MARXUUM CABDILAAHI CABDI AXMED (KUBADO), oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/01/2012.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumiintaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.”

 

Qurbejoog-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed