|

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Shacabka Reer Hargaysa Kala Qeyb Galay Tukashada Salaadii Jimce SAWIRO

siilaanyo salaad16,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo,ayaa maanta oo Jimce ah qaar ka tirsan Dadweynaha reer Hargaysa kula tukaday Masaajidka Rusheeye,ee  Badhtamaha Magaaladda Hargaysa.

Madaxweynaha ayaanay Habayaraatee aanay la socon Ilaaladiisa gaar ka ahi.waxaana Masaajidka Ku soo dhaweeyay Madaxweyna iyo Madaxda kale ee la socotay Imaamka Masaajidka Rusheeye Sh: Maxamed Sh: Cumar Dirir.

Waxaana  wehelinayay Madaxweyna Saraakiil ay ka mid ahaayeen Wasiirka arimha Gudaha,Taliyaha Booliska,Xildhibaan Nac-nac,Maayar ku-Xigeenka Magaaldda Hargaysa iyo Xubno kale.

Madadweynaha ayaa markii uu soo dhamaystay Tukashadda Salaadda waxa uu Socod lug ah ku maray Waddada wadnaha ah ee badhtamaha Magaaldda Hargaysa.

Ma aha markii ugu horaysay ee Madaxeynehu uu kala qeyb qaato Tukashadda Salaadda dadweynaha reer Somaliland.

IMG_5555 IMG_5557 IMG_5559 IMG_5561 IMG_5562 IMG_5564 IMG_5565 IMG_5566 IMG_5575 IMG_5577 IMG_5579 IMG_5580 IMG_5582 IMG_5591 IMG_5593

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed