|

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan kula qaatay Madax Milateri iyo Dublamaasiyiin Ingiriis ah Markab kuwa dagaalka ah (DAAWO)

Berbera 15.Nov 2013 (SDN)- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay magaalladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, Isla markaana Ka Qayb galay Xaflad loo sameeyay Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Tababar loo soo Gabo Gabeeyay.

KulanMadaxweynuhu Waxa uu Kulan kula qaatay Markab kuwa Ciidamada ah oo laga leeyahay dalka Ingiriiska Mas’uuliyiin Milateri iyo Safiirka Uk u fadhiya Addis ababa iyo Nairobkaasi oo ay u jeedadiisu ahayd sidii uu madaxwaynuhu tababar ugu soo xidhi lahaa ccutubyo ka tirsan ciidamada Badaha Somaliland oo ay tababar ku siiyeen Berbera ciidamo ka tirsan kuwa dalka Ingiriiska.

Madaxwaynaha iyo weftiga uu hogaaminayo oo saaka diyaarad ka raacay magaaladda Hargaysa ayaa markii ay ka degeen madaarka diyaaradaha ee magaaladda Berbera waxa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.

Berbera SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed