|

Madaxweynaha Somaliland oo ku booqday askartii ku dhaawacantay Shilkii baabuur Cisbitaalka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo ka qayb galay Aas balaadhan oo loo sameeyay intii ku dhaawacantay Shilkaas

Hargaysa 02.Jan (SDN)

Madaxweynaha Jamhuriyada S/land Mud, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku booqday  Askartii  ka tirsanayd ciidanka Booliska  ee maalintii shalay ku dhaawac-may  shilkii Gaadhi eek a dhacay  Degaanka Hallaye ee   Bariga Magaalada hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu  soo maray Waadhadhka  la dhigay Askartaasi dhaawaca ah ,waxaanuu halkaasi war-bixin kaga dhegaystay Agaasimaha  cisbitaaka Guud  ee Caasimada Hargeysa Dr,Axmed Cumar Askar,kaasi oo sheegay in dhakhaatiirta cisbitaalku ay si hagar la’aan ah  ugu gurmadeen ee dhaawacaas, haatana ay gacanta ku hayaan daaweyntooda, kuwaasi oo uu sheegay in dhaawacood uu yahay mid sah-lan.

Madaxweynuhu Waxa uu dhaawacaa askarta Booliska  ilaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo, waxaanuu shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay  Askartii iyo dadkii shacabka ahaa eek u dhintay  shilkaasi gaadhi.

Booqashadaasi ka dib waxa uu socod  lug ah  ku tegay xarunta madaxtooyada S/land, halkaasi oo intii uu madaxweynuhu u sii socday Madaxtiooyadabna ay dadweynuhu  u gacan haadinayeen .

Dhanka  kalena Madaxweyneku xigeenka JSLand  Mud, C/raxmaan  C/llahi ismaaciil –Saylici-, ayaa  isna  maanta ka qayb galay Aas qaran oo lioo sameeyey   Saddexdii Askari ee  ka tirsanaa ciidanka Booliska  eek u geeriyooday shilkii gaadhi  ee shalay ka  dhacay degaanka Hallaye ee bariga magaalada Hargeys, aaskaasi oo ka dhacay Xabaalaha NAASA Hablood. Waxaanuu tacsi u diray  qoysaskii, shacabka somalilabnd ee ay Ka baxeen Marxuumiintaasi.isaga oo ilaahay uga baryey  inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Mud,Maxamed Nuur  Caraale,oo aaskaasi ka qayb galay ayaa  sheegay,in  askartani  ay ka  soo noqdeen  waajib qaran oo ay u tageen gobolka Sool,iyada oo ciidankii bedelayna ay si nabad gelyo ah u gaadheen Magaalada Laas-caanood.

Waxa kale oo Wasiirku xusay in ciidanka Boolisku uu mar kasta heegan u yahay sugidda nabad-gelyada ,, waxaanuu Ayaan darro ku tilmaamay in dadka qaarkii ay ku  hagar-daameeyaan hawshooda. Waxaanuu shacabka u soo jeediyey inay ciidanka Booliska is-garabtaagaan ku taageeraan shaqada qaran ee ay bulshada u hayaan.

Aaska waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golayaasha dawladda, iyo dadwetyne  tiro badan.

                                                                                                                                                                 

Hargaysa SDN

 

 

 

 

Comments are closed