|

War Deg Deg ah Madaxweynaha Somaliland oo hada Kulan la leh Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran.

 

Hargaysa 28 Dec (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed  Maxamud Siilaanyo ayaa Qasriga Madaxtooyada Waxa uu hada Kulan kula leeyahay Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran ee Sida rasmiga ah loo Gudoonsiiyay Shahaadada Muujinaysa inay yihiin Sadexda Xisbi ee dalku yeelanayo Tobanka Sanno ee soo socda.

 

Kulankan oo aan weli waxa war ahi ka soo bixin waxaa ka qayb galay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wadani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro,iyo Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe oo ay weheliyaan Xog hayayaasha Guud ee Sadexda Xisbi iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Sadexda Xisbi .

Wararka aanu ka helayno Qasriga Madaxtooyada oo Weli kulankii ka socdo lana filayo in Afhayeenka Madaxtooyadu ka warbixiyo Ujeedada Kulankan Afar Geesoodka ah ayaa loo badinayaa in Madaxweynuhu ku Hambalyeeyo Gudoomiyayaasha Xisbiyada Guushii ay ka gaadheen Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ay ugu soo gudbeen Sadexda Xisbi ee Distoorku Xalaaleeyay .

Kulankan Waxaa Dhinaca Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur,Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale,Gaashaandhiga Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami .

Wixii ka soo Kordha Kulankaas dib ayaanu idiinka soo gudbinaynaa

Hargaysa SDN

Comments are closed