|

Madaxweynaha Somaliland oo guddi wasiiro ah u magacaabay ka qaybgalka shirka Soomaaliya ee ka furmaya dalka Turkiga

Hargeysa 27, May 2012 (Qurbejoog.com)- Xukuumadda Somaliland, ayaa caddaysay inay ka qaybgalayso shirka Soomaaliya oo todobaadkan ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed uu soosaaray wasiirka Warfaafinta Somaliland, Mr. Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo guddi wasiiro ah u magacaabay ka qaybgalka shirkaas.

Qoraalkaas oo lagu faahfaahiyay qorshaha ay xukuumadda Somaliland kaga qaybgalayso shirka Istanbul ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu u dhignaa sidan; “Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somaliland wuxu soo saaray War-saxaafadeed ku saabsan ka qaybgalka wejiga hore ee shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Ka dib markii ay marti-qaad rasmiya ka heshay dawladda Turkiga 24/05/2012-ka, Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay inay ka qaybgasho wejiga hore ee shirka Istanbuul oo ku began 31-ka May/ 2012. Marti-qaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu Somaliland ula dhaqmi doonto si ka geddisan sida loola dhaqmayo gobollada Soomaaliya. Dawladda Turkigu waxa kale oo ay marti-qaadkeeda ku caddaysay in la raaci doono hab-maamuuskii shirkii London ku qabsoomay 23 Febraayo 2012-ka.

Shirkan Istanbuul ku qabsoomi doona 31/05/2012, waxa lagu gorfeyn doonaa, isla markaana goaammo lagaga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood.

1-U-adkaysiga, 2-Tamarta, 3- Biyaha iyo Waddooyinka.

Maadaama oo uu Madaxweyne ku-xigeenku booqasho rasmiya ugu ambo-baxayo Jamhuuriyadda Jabuuti, Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay in ay shirkaa Istanbuul ka qaybgalaan afarta Wasiir ee kala ah:

  1. Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah,
  2. Sacad Cali Shire,  Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
  3. Axmed Cabdi Xaabsade- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta
  4. Xuseen Cabdi Ducaale – Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha

Ugu dambayn waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannaan ka qaybgeli doonin, shaqana ku lahayn wejiga dambe ee shirka ee lagaga hadlayo waxan loo yaqaanno tubta nabadda (Road Mab-ka) oo aan khusayn Somaliland.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed