|

Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqan Geliyay Xeer ay Baahi badan u Qabeen dadka Naafada ah

Hargaysa 13.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 uu ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.

Madaxweynuhu:-

siilaanyo-2Markuu Arkay:                 Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:                 Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:                 In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan,

Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan

xarumaha  Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,

Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo  iyo

dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu

ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay,

Markuu Arkay:     Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa,

 

Wuxuu soo saaray:

Qodobka (1)aad

Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay

  1. In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.
  2. In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)

Qodonka (2)aad

Fulinta xeerka

Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.

Qodobka (3)aad

Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa

Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed