|

Madaxweynaha Somaliland oo Cagta Saaray Dariiq uu Ku dhaliili Jiray Xukunkii Daahir Rayaale

Hargaysa 21.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa Digreeto uu Maanta soo Saaray Waxa uu ku Magacaabay Laba Degmo oo Cusub kuwaas oo ku Biiraya Degmooyinkii Hore ee aan la Kala Xadayn .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.

Md.SiilaanyoWarsaxaafadeed uu Ku Saxeexan yahay Afhayeen Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa lagu Sheegay in

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                 Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:         Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:         Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

1.     In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

2.     In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Ku dhaliili Jiray Xukuumadii uu Hogaaminayay Madaxweynihii Hore ee Somaliland inuu Degmooyinkii iyo Goboladii uu magacaabay ay ahaayeen kuwo uu bulshada Taageero kaga Doonayo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed