|

Madaxweynaha Somalia oo xil culus u magacaabay Dahir Alasow

Muqdisho Nov 20,2012(SDN)-Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud Alasow ayaa Dahir Abdulle Alasow u magacaabay Agaasime ku xigeenka Sirdoonka Qaranka sida lagu sheegay Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha.
Xil magacaabista Dahir Alasow ayaa ku beegan xilli maalmo ka hor loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug State of Somalia.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa laga soo xigtay in magacaabista Agaasime ku xigeenka guud ee Sirdoonka Qaranka Somalia ka dhalatay Cadaadis dowlada reer Galbeeda saareen Madaxweynaha Somalia.
Dahir Abdulle Alasow oo Saxaafadda Somalia ka tirsanaa tan iyo sanadkii 1993 ayaa ka aamusan labada xil ee loo magacaabay .
Inkastoo kooxaha argagixisada aad u neceb yihiin Dahir Alasow hadana waxaa la sheegay inuu afar sanadood baranayay Sirdoonka.
Nin ka tirsan Hay”adaha Sirdoonka Geeska Afrika ayaa sheegay in Dahir Abdulle Alasow tababar dhinaca Sirdoonka uu ka helay Dowladaha reer Galbeedka qaar laga soo bilaabo sanadkii 2002.
Sarkaalka oo diiday in magaciisa la xigto wuxuu hadalkiisa ku deray inuu maqlay in Dahir loo tababaray dhageysiga telefoonada iyo Culuumta Internet-ka.
Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Somaliland ayaa ku tiraabay in Dahir Alasow  yahay khabiir dhinaca Nabadsugida.
Xukumadii Dahir Reyale Kaahin ayuu Dahir Alasow la lahaa xiriir qotodheer oo la xiriira dhinaca Nabadsugida.
Waxaa la rumeeysan yahay hada inuu Dahir xiriir wanaagsan la leeyahay Dowladaha Uganda iyo Kenya halka reer Galbeedkana uu aad ugu xiran yahay Mareykanka iyo Faransiiska.
Somalida ku nool Holland waxaa laga soo xigtay in Dahir Alasow yahay nin aan bulshada soo dhexgelin oo aragtidiisa aad ugu yar tahay.

Comments are closed