|

Madaxweynaha Somalia oo Markii 1aad Safar ku Tagay Caasimada Japan ee Tokyo SAWIRO

Tokyo 11.March 2014 (SDN)- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirrada arrimaha dibadda, howlaha guud iyo qorsheynta, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Japan oo uu ka mid yahay safiirka Japan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo wafdigiisa oo muddo afar cisho ah joogi doona Japan ay kulamo la qaadan doonaan raysul wasaaraha dalkaas Shinzo Abe, oo ay kala hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Japan ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd dhinacyada kalluumeysiga, horumarinta beeraha iyo tababarro la siiyo xirfadleyda Soomaalida ah.

Madaxweynaha ayaa inta uu jooga dalkaas kulan la yeelan doona boqorka dalka Japan.

2 5S4326

 

Tokyo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed