Madaxweynaha Somalia Oo Maanta Si Kedis ah U Gaadhay Degmada Cadalle
Cadalle:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamud iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si kedis ah ku tegay Degmada Cadalle ee Gobolka Shabelada dhexe oo dhawaan Al-shabaab laga saray.
Ammaanka degmada Cadale oo dhowaan ciidamada Dowladda u gacan gashay ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ay iska kaashadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqashadiisa degmada Cadale ay noqoneyso markii ugu horeysay tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha ayaa halkaasi waxa uu kula hadlayaa shacabka degan Cadale, isagoona halkaasi ka fulinaya ballanqaadyada xukuumadiisa u sameyneyso shacabka degmada Cadale.
Wixii Uu Madaxweyne Xasan Sheekh u sheego shacabka reer Cadale waxanu idiinku soo gudbin doonaa Wararkayaga soo socda.
SDN/QJ