Madaxweynaha Somalia oo ku Sifeeyay Cadaw Ummada Somaliyeed Cidii ka Faafisay inuu Dhintay
Muqdisho 12.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ka hadlay xaaladiisa caafimaad isla markaana cadawga Soomaaliya ku tilmaamay dad uu sheegay inay faafiyeen warar been abuur ah oo sheegayay inuu dhintay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligan ku jira dhhtar ku yaalla magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu Dalka Turkiga ku joogo booqasho aan rasmi aheyn , waxa uuna intaa raaciyay in uu Turkiga la joogo qoskiisa Xaaladiisa caafimaadna ay tahay mid wanaagsan.
“Waa cadowga ummadda Soomaaliyeed dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhaweyd la hadlay warbaahinta Dawaladda ee Maamulkiisu gacanta ku hayo.
Maanta ayay ahayd markii uu soo baxeen warar sheegaya inuu dhintay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xaalada caafimaad loo dhigay cisbitaal ku yaalla magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com