|

Madaxweynaha Somalia oo Kormeer Maanta Ku Tagay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho

Muqdisho 23.Dec 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada  Soomaalia Xasan Sh.Maxamuud ayaa Kormeer ku tagay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaalia.

Xasan SheekhXasan Sh Madaxweynaha Soomaalia ayaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaalia oo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin Adkeenta Amaanka Muqdisho iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sh ayaa kula dardaarmay Ciidamada Milatariga Soomaalia in ay dalkooda Daacad u noqdaan islamrkaana Shacabka Soomaaliyeed ay ka Rogaan Heeryada Argagixisada ee saran.

Intaa kadib ayaa Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sh.Maxamuud waxaa uu Booqasho ku sameeyey Qeybaha ay ka kooban tahay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaalia,asagoona si gaar ah ugu Mahadceliyey Ciidamada Qalabka Sida Meelkasta oo ay joogaan.

Madaxweynaha Soomaalia Mudane Xasan Sh ayaa Hada kulamo Gaar ah Xaruunta Wasaarada Gaashaandhiga kula leh Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaalia,inkastoo aan si Cad loo ogeeyn wax yaabaha ay kawada Hadlayaan.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed