|

Madaxweynaha Somalia oo ka qeybgalay baroor-diiqda weerarkii maxkamadda

Muqdisho 14.April 2014 (SDN)- Madweynaha Jamhuuriyada Federal-ka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay baroor-diiq loo sameynayay weerarkii argagixiso ee sanad kahor lagu qaaday xarunta maxkamadda gobolka Banaadir.

Xasan-Sheekh122Dad kor u dhaafaya soddon qof ayaa ku dhimatay weerar ay al-Shabaab 14-kii April sanadkii hore ay ku qaadday xarunta maxkamadda gobolka ee degmada Xamarweyne.

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dhammaan dadkii ku dhintay weerarka, wuxuuna sheegay in garsoorka uu kaalin muhiin ah uga jiro dalka.

Wasiirka caddaaladda iyo dastuurka, Faarax Cabduqaadir oo isna ka hadlay baroor-diiqda ayaa sheegay in wasaaraddu ay waddo qorshe lagu taakuleynayo qoysaskii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii maxkamadda.

Goddoomiyaha maxkamadda sare Gar-yaqaan Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay in xilligii la weerarayay maxkamadda gobolka uu garsoorka dayacnaa.

Muqdisho SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed