|

Madaxweynaha Somalia oo Isagoo aan ka Hadhsan Weerarada Alshabaab Hadana Ku Faanay inay Alshabaab ka Adkaadeen

Muqdisho 22.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa ku faanay inay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-Shabaab inay a adkaadeen isla markaana ay deegaamo badan ka qabsadeen kuwaasoo ay nolol yididiilo leh ka bilaabeen,isal markaana ay qorshaynayaan sidii ay Soomaaliya doorasho uga dhici ahayd 2016 ka taasoo ay hortii madaxweyneyaal ka horreeyay ku riyoon jireen.

xasanMadaxweyne Xasan Sheesh Maxamuud oo maanta furay kaladhigii afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya,ayaa waxaa kaloo uu intaa ku daray in xilligan ay Soomaaliya joogto wakhtgii horumarka  isla markaana loo baahan yahay in ay xildhibaannadu dhankooda wax adan qabtaan oo dib u eegis lagu sameeyo distoorka dalka Soomaaliya.

“Waxaan idiin ku hambalyeynayaa inuu kal-fadhigii afraad uu maanta si rasmi ah idiinku furmayo. Waxaa la joogaa waqtigii wax-qabadka. Sannadkan 2014-ka waxaan na horyaalla dib-u-eegista dastuurka, dhaqan-gelinta federaalka iyo billaabidda nidaamka dimoqraadiyadda, si aanu gaadhno ujeeddooyinkaas waa inaan hir-gelinno doorasho ka dhacda dalka 2016-ka.”

Waxaa kaloo uu ka hadlay guul uu sheegay inay ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

“Maalin walba waxaan ka saarnaa Al-shabaab goobo muhiim ah oo shacabku ay ku heleen neecaw nabadeed. waxaana billownay gar-gaar bani’aadanimo oo muhiim u ah shacabka iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo ah in gar-gaar lala gaadho dadka ku nool deegaannada la xoreeyo, maamulo KMG ah loo sameeyo, in laga hir-geliyo hay’adaha amniga iyo garsoorka, Maamul-wanaag iyo adeegyada bulshada si dadka deegaannadaas ku nool ay uga tashadaan aayahooda,” ayuu mar kale yidhi Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku daray: “Dib-u-habeynta maamulka iyo maareynta maaliyaddu si habsami leh ayay u socdaan. Hanti dhowrka Qaranka iyo xisaabiyaha guud ayaan magacownay oo ku yimid nidaam cad-cad oo tartan furan ah oo uu naga teegeeray World Bank. Golaha wasiirradu waxay dhawaan ansixiyeen sharicigii canshuuraha oo baarlamaanka loosoo gudbiyay kaasoo wax ka tari doona kobcinta dhaqaalaha dalka, si aan uga maaranno kaalmada shisheeye oo aan isugu tashano dhaqaale ahaan.”

Waxaanu ka dalbday Baarlamaanka Soomaaliya inay la shaqeeyaan Xukuumadda uu Madaxweynaha ka yahay isla markaana ay is garab taagaan.

“Caqabado fara badan baa jira oo looga baahan yahay wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan hay’adaha dastuuriga, waxaa loo baahan yahay dulqaad, is-faham iyo tanaasul oo lama huraan u ah siyaasadda dalka. Waxaana idinka codsanayaa inaan dhammaanteen kawada shaqeyno danta guud iyo maslaxadda Qaranka,” ayuu ku yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta  furay kal-fadhigii afraad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed