Madaxweynaha Puntland oo Lagu Soo Dhaweeyey Deegaanka Jirriiban
Axad 20, 04, 2014(SDN/QJ)— Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo maalmahanba safaro kala duwan ku marayayey deegaano ka tirsan goblka mudug ayaa maanta gaaray degmada Jirriiban oo ka mid ah degmooyinka gobolka mudug.
Madaxweyne Gaas iyo mas’uuliyiinta la socota oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan goloyaasha dawladda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka u dhexeeya Balli-busle iyo Jirriiban, waxaana ka mid ahaa magaalooyinkii lagu soo dhoweeyey Buubi Seemade iyo booc waxayna dhamaan deeganadasi kula hadleen dadweynaha ku dhaqan , iygoo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda deeganadaasi.
Madaxweynaha iyo Wafdiga uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Jiriiban, ayaa waxaa madaxweyne gaas uu kala hadlay dadweynaha jarriiban goob fagaare ah , isagoo uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen.
Maamulka uu hogaminayo Madaxweyne Gaas ayaa dedaal dheeraada ugu jirta sidii ay uga dhabayn lahayd ballan qaadkeedii ahaa inay tagayso dhulka fog-fog ee deegaanada Puntland si ay u ogaato xaaladaha guud ee ay ku sugan yihiin shacabka reer Puntland.
SDN/QJ-Jariiban