Madaxweynaha Puntland oo Kulan la qaatay Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ahna qaabilsanna Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield.
03,May,2014(SDN/QJ)- Wafdigii Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ‘Gaas’ ayaa shir la qaatay Wafdigii Wasaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo uu hogaaminayey Mudane John Kerry. Wafdiga ayaa salaan iyo soo dhaweyn la qaatey Wasiirka Arrimaha Dibedda Kadib kulan dheer ayeyla qaateen Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ahna qaabilsanna Arrimaha Afrika Marwo Linda Thomas-Greenfield. Kulanka ayaa sidoo kale ka soo qaygalay Safiirka Marykanaka u qaabilsan soomaaliya Mudane James P. McAnulty iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Daqaalaha Safaarada Marykanka ee Etobiya Mudane Brendan Gough.
Dhanka Dawladda Putland ayaa Madaxweyne Cabdiweli ku weheliyey shirka Wasiirka Amniga Mudane Xassan Cusmaan Aloore iyo Wasiirka Waxbarashada Mudane Cali Xaaji Warsame.
Kulankan ayaa ahaa mid fursad weyn u ahaa Madaxda Puntland waxaana ay kala hadleen Maraykanka iskaashi dhexmara, sidii Puntland gacan looga siin lahaa arrimaha amaanka iyo dardargelinta taageerada Maraykanku ku bixiyo arrimaha Soomaaliya oo Puntland qayb ka tahay.
Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa intii ay Magaalada Addis Ababa ku sugnaayeen la qaatay shirar Madax kala duwan Madax badan oo kula sugnaa Magaalada Bahar Daar iyo Addis Ababa.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Dawlad Goboleed Puntland,ayaa si rasmi Shaaca uga qaaday in aanu jirin Wax wadahadal Siyaasadeed ah oo yeesheen Wasiiro ka socda Somaliland,xiligii lagu Gudo gudo jiray ka qeyb galka Shirkii lagu soo Gabogabeeyay Magaaladda Baharadaar ee Tana Forum.
SDN/QJ-Nairobi