|

Madaxweynaha Puntland oo codaday dib u dhigid lagu sameeyo Doorashooyinka iyo Guddida Doorashooyinka oo aqbalay

Garoowe May 20,2013(SDN)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa u gudbiyay guddida doorashooyinka in ay dib u dhigaan doorashooyinkii goleyaasha degaanka.

Puntland ayaa ay axsaabtu isu diyaarinayeen Doorashooyin ka qabsooma degaanada Puntland bisha Juun 30keeda.

Guddida Doorashooyinka ayaa aqbalay dalabka uga yimi Cabdiraxmaan Faroole isla markaana dib u dhigay Doorashooyinka mudo laba todobaad ah.

Axsaabta Puntland ayaa intii dib u dhaca Doorashooyinka la faafiyay waday wadahadalo ay yeelanayaan.

Ilaa iyo Haatan ma cada waxa ka soo baxay kulamada axsaabta reer Puntland.

Doorashooyinka degaanka ee maamul Goboleedka Puntland ayaa haatan la shaaciyay in la qabanayo bisha July 15keeda ee sanadkan.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed