|

Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay ku dhawaad 120 Maxbuus oo ku jiray Xabsiyada Puntland

Garowe 24. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynah Dowlada Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Cafis waxa uu u fidiyay Maxaabiis ku jiray Xabsiyada Gobalada Puntland gaar ahaan Magaalada Garowe.

Maxaabiista Madaxweynaha Puntland uu Cafiska u fidiyay ee ku jiray Xabsiga Magaalada Garowe ayaa waxa ay tiradooda Gaaraysaa 58 maxbuus oo ku edeesnaa dambiyo Fudfud si ay eheladooda ula qaybsadaan Farxada Maalmaha Ciida oo Fooda nagu soo haya.

 

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa dhinaca kala waxa uu Cafis u fudiyay Maxaabiis kale oo Badan kuwaas oo kujira Xabsiyada kuyaala Gobalada Puntland waxaana tira Maxaasiibta Madaxweynaha Dowlada Puntland uu cafiska u fidiyay ay gaarayaan ku dhawaad 120 Maxbuus oo ku edeesnaa dambiyo fud fud sida dhaca iyo Tuugada oo kaleĀ  .

Comments are closed