Madaxweynaha Punt land oo Kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata
Nairobi 27,June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta 27 June, 2014 kulan qaatey muddo labaatan daqiiqo ah kula yeeshay xafiiskiisa oo ku yalaa Harambee House Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata.
Kulankaan ayaa inta badan diirada saarayey is-wareysi arrimaha Somalia iyo xaalada Puntland iyadoo dhinaca kale kulankaan ka hor Madaxweyne Gaas kulamo kula lahaa xubno ka tirsan beesha caalamka meel aan ka fogeyn xafiiska Madaxweynaha Kenya.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale kulamo la qaatey maalmihii la soo dhaafey xubno ka tirsan maamulka la magacbaxey khaatumo iyo dad kasoo eeda gobolada Sool.
Saxaafada looma sheegein waxa kulamadaas looga hadley balse waxaa muuqata in Madaxweyne Gaas kala hadley xubnahaas rabitaankooda ku saleysan dhismaha ay rabaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta gobolka Sool sameystaan maamul ay leeyihiin oo ka madax-banaan Puntland iyo Somaliland.
Maamulka Somaliland ciidamo ka tirsan ayaa dhowaan ka eryey magaalada Taleeh ergooyin uu hogaaminayey Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr kuwaas oo qorsheynayey in halkaas ka sameeyaan shirweyne maamul loogu dhisayo dadka halkaas daga.
Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intey la wareegtey talada Puntland ku jirtey waxa loogu yeero “Sug & Arag” taasoo fursad siisey maamulka Somaliland inuu dhul-durigsi ku sameeyo degaamada Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa galabta 27 June,2014 la sheegey inuu kulan aan ku koobney reer Puntland la qaadanayo guud ahaan dadka Somalida ee ku nool Nairobi.
Mudane Gaas ayaa la filayaa inuu maalinta Sabtida 27 June,2014 dib ugu soo noqdo magaalada Garowe kadib markii uu soo dhamaadey safar in muddo ah uu dalka dibadiisa ugu maqanaa.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com