Madaxweynaha Punt Land oo ku dhawaaqay Gudida Xaaladaha deg dega ah iyo 100 Qof oo ku Dhintay Duufaano ka dhacaya Xeebaha {DHAGAYSO}
Garowe 11.Nov 2013 (SDN)- Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaano dhaca xeebaha badwaynta Hindiya ee Puntland ayaa waxa ka da’ayay roobab duufaan iyo dabaylo wata, waxana la sheegay in ilaa 100 ruux ay ku dhinteen halka xoolo badana sidoo kale ku baaba’een.
Shir balaaran ayaa maanta ka dhacay xarunta wasaarada caafimaadka Puntland, waxana Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole ku dhawaaqay guddiga xaalada deg dega ah iyo gargaarka dadka dhibaateysan.
Shirka waxa joogay ilaa 30 Hay’adood oo ka shaqeeya Puntland, kuwaasi oo dowladdu ka codsatay inay gacan ka siiyaan gurmadka dadka waxyeeladu ka soo gaartay roobabka dufaanta wata.
Guddiga uu Dr. Farole ku dhawaaqay ayaa ka kooban wasaarada Qorshaynta, Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo hay’ adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA.
Markii uu soo dhamaaday shirku ayaa saxaafada waxa uu u sheegay Madaxweyne Farole ku dhawaaqista guddiga (Puntland Disaster Management and rescue Committee), waxana uu raacshay in dowladiisu aysan waxba ka hakran doonin sidii ay raashin iyo daryeel caafimaadba u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan.
Dadweynaha Puntland iyo ganacsatada ayuu ugu baaqay madaxweynuhu inay kaalin ka qaataan gurmadkan loo fidinayo dadka dhibaateysan.
Sadaasha cimiladda ayaa sheegtay in ilaa Arbacadda ay socon doonaan roobabkan wata dabaylaha iyo qabowga, waxana la filayaa in dhowaan deegaan xebeedyada u baxaan kooxaha raashinka iyo dawada dadka u geynaya.
Guji halkan Si aad Mobilkaaga uga dhagaysato hadalka Madaxweyne Faroole
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/duufaano11n.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com