|

Madaxweynaha Punt land oo kala Diray Golayaasha Deegaanka ee Jariiban iyo Galdogob

Garowe 22.April 2014 (SDN)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta 22 April, 2014 kala diray goloyaaasha deegaanka Degmooyinka Jariiban iyo Galdogob.

 

Gaas_4Waxa uu kaga dhawaaqay shir uu saaka Degmada Jariiban kula qaatay waxgaradka Jariiban iyo xildhibaanada deegaanka wuxuna sheegay inay muhiim tahay in si cadaalad ah shacabka loogu adeego lagana dhabeeyo is-badalka ay dowladdiisu ku baaqday.

 

“Waxaan maanta halkan ka sheegeya inaan kala diray golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galdogob iyo Jariiban,waana in si dhaqso ah loo soo dhisa golayaasha deegaanka muddo ka yar 72-saac”. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in la heli maamul ku shaqaynaya rabitaanka shacabka.

 

Dr.Cabdiwali Cali Gaas ayaa maalmihii ugu danbeeyay safaro kala duwan ku marayay degmooyin ka tirsan Gobalka Mudug waxa uu maalinkii shalay gaaray degmada Towfiiq oo Mudug dhanka Koonfurta kaga taala.

 

Degmada Towfiiq ayaa noqotay tii ugu danbaysay booqashadiisa Mudug balse wararka naga soo gaaraya magalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Madaxwayne Gaas berri ka dhoofayo magaalada Galkacayo isagoo ku wajahan dalka Ethiopia. i

 

Lama yaqaan safarka Madaxweynaha iyo waxa uu la xiriiro balse warar ayaa xusaya inuu halkaas kaga qayb galayo xaflad qaaran ururin ah oo loo qabanyo biyo xireenka weyn ee laga dhisayo dalka Ethiopia.

Warar kale ayaa xusaya inuu Madaxweynaha Puntland la filayo inuu Addis kula kulmo madaxda shirkada African Oil taasoo horey degaanka Dharoor uga baartey shidaal.

 

Socdaalka uu Mudug ku joogo Madaxwayne Gaas ayaa qaatay maalmo faro badan marka loo eego kuwii uu ku tagay gobolada Bari iyo Karkaar.

Garowe SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed