|

Madaxweynaha Namibiya Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Hoggaamiyaha Ugu Fiican Afrikaanka Ee Sanadlaha ah

Windhoek:March,03,2015(SDN/QJ)-Hifikepunye Pohambe oo ah madaxweynaha Xilligan ee Dalka Namibiya ayaa si rasmi ah ugu guulaystay abaalmarinta Mo Mahamed ee la siiyo Hoggaamiyaha Afrika ugu hoggaaminta fiican.

naamoAbaalmarintan oo  gaadheysa 5m (£3.2m) ayaa waxa ay tahay mid sanad walba la siiyo madaxweyne la soo doortay oo wax u qabtay dalkiisa kana dega xilka madaxtinimada isagoo raali ah.

Hase yeeshee abaalmarintan ayaan afartii sano ee la soo dhaafay cidi ku guulaysan, kadib markii la waayey madaxweyne Afrikaan ah oo shuruuddaheeda Buuxiya.

Mr Pohamba oo ah mucaarad hore una soo dagaalamay xornimada dalkiisa soona noqday labo jeer madaxweyne, ayaa haatan loo aqoonsaday nin shuruudihii buuxiyey.

Pohamba ayaa sanadkii 2004tii loo doortay madaxweyne halka mar labaad uu noqday sanadkii 2009kii madaxweyne la doortay,hase yeeshee haatan ayaa waxaa uu xilka ku wareejinayaa madaxweynaha la doortay ee Hage Geingob.

Guddoomiyaha guddiga abaalmarintan bixiyay Salim Ahmed Salim ayaa sheegay in Mr Pohamba uu sumcadiisa ku dhisay isagoo dalkiisa si wanaagsan u xukumay,dejiyay si dimuqraadiyad ahna ilaaliyayna xuquuqda aadanaha.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed