Madaxweynaha Masar oo sheegay in Haweeney uu u magacaabi doono Madaxweyne ku-xigeen
Qahira June 27,2012(SDN)-Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Md Maxamed Mursi ayaa ku celiyay balan qaad uu hore ugu sameeyay haweenka dalka Masar oo uu ugu balanqaaday xilka ku-xigeenkiisa hadii la doorto.
Dhawaaqan ayaa ku soo beegmaya xili saxaafda caalamku ay hoosta ka xariiqeyso isbedelka siyaasadeed ee dalka Masar ka dhaqan galay.
Dr Mursi oo ka tirsan urur diimedka Ikhwaanka ayaa doorashadiisii ka dib waxa saxaafada caalamka Galbeedka ay saadaalineysay in xuquuqaha dadka lagada tirada badan yahay oo Dumarkuna ku jiro in lagu tuman doono.
Taa bdelkeeda DrMursi waxa uu la yimi mid taa ka duwan oo uu furfurnaasho dheeri ah ku muujinayo ilaa iyo iminka.
Isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay dalka Masar ayaa waxa doorweyn ka ciyaaray mujtamica kala duwan ee dalkaas oo Haweenkuna ay ka mid yihiin.
SDN-Qahira
contact@somalidiasporanews.com